|
LABADA
JID HA KALA CADAADEEN
<Jidka toosan iyo ka qalloocaa>.
Ilaahay
isagoo (S.W) inoo cadeynaya doodda iyo Muranka lagala hor imanayo
Rususha iyo kuwa dhanbaalladooda sida, Rasuulkana gaar ahaan ugu
sheegayey iney tahay caadada cadawgu (iney la murmaan oo beeniyaan
waxyiga Eebbe) kana doortaan hanuunka Eebbe Baadida Naftooda iyo
hungurigooda, waxa uu u caddeeyey Hababkay u beeninayaan ulana
Dagaallamayaan Islaamka, taas oo lagu dejinayo Rasuulku inaanu ka
murugoon beenintaa.
Waxa
uu ilaahay Aayadaha dabayaaqadooda ku faahfaahiyey waxa uu uga
jeedo soo dejinta iyo caddeynta xeeladaha Cadawga kuna yidhi (( si
ay u muuqato waddada danbiilayaashu)) 55/Ancaam.
Sheekha
Tafsiirka ee "Ibnu kasiir" isagoo aayadan sharax ka
bixinaya wuxuu yidhi:
Waxa loo caddeeyey colaaddooda<< si ay u muuqdaan una soo
banbaxaan kuwa khilaafsan hanuunka Rasuulka>>.
(Manhajka Qur'aanku kuma koobna inuu Caddeeyo xaqqa iyo inuu soo
saaro xaqiiqooyinkiisa oo qudha, si ay ugu muuqato kuwa hanuunsan
dariiqooda oo qudhi- wuxuse ku darsadey "manhajka
Qur'aanku"inuu caddeeyo Baadilka , shaacana ka qaado , si ay
u muuqato jidka <habka iyo dariiqa>kuwa lunsan sidoo kale).
(Caddeynta
dariiqa kuwa danbiilayaashu waa arrin lagama maarmaan ah si ay u
cadaato dariiqa toosan ee mu'miniintu) taasuna waa khadka lagu
kala saarayo, lana cadeynayo halkey ku kala leexsan yihiin)4)
Waxa
Aayadaha loogu caddeynayaa loolana kala dhidhigayaa waa:
- Si ay mu'miniinta ugu caddaato kuwa la coloytamayaa iyo
danbiilayaasha kala duwani.
- Si naftooda ay ugu sugnaato , uguna kala caddaato labada waddo
iyo waxay ku kala duwan yihiin.
(Waxa
lagama maarmaan ah in la ogaado wadiiqooyinka iyo xeeladahay innoo
soo marayaan kuwa doonaya iney inna dhalan gadiyaan dhar kalena
inoo xidhaan. si ay ugu kala cadaato dadka, loogana fogaado
dhagarta iyo midabadeeda looga dhigayo Bulshada iney tahay ta
hanuunsan)5) taasuna waa ujeedda iyo Faa'iidada ugu weyn ee
qoraalku ku baraarujinayo intii moogganeyd, kuwa hurdana ku
toosinayo, kuwa soo jeedana ku sii adkeynayo6)
Arrinkaa caddeynta cadawga isagoo ka hadlaya caalinka "Ibnul-qayim"
wuxuu yidhi <<kuwa Ilaahay yaqaanna iyo kitaabkiisa, kuna
dhaqma diinta, waxay ogaadeen waddada mu'miniinta, una barteen si
sharraxan 6) -ogaadeenna waddada danbiilayaasha si faahfaahsan
waxaana u kala caddaatey labada waddo, sida uu qofka ujeedada lihi
u garanayo halkuu ku socdo iyo meelaha dhibtu uga imaneyso ee uu
ku halaagsamayo. kuwan labada dariiq kala ogaadey waa kuwa ugu
cilmiga badan addoomaha, Dadkana ugu faa'iideyn badan, uguna
waanin og, waana kuwa dariiqa dadka kala tusaya, xagga wanaagsanna
u tilmaamaya una hanuunnaya>>7)
**
Qofka aan kala ogeyn ama u kala caddaan Xaqqa iyo Baadilku, Dadka
Hanuunka iyo kuwa baadidu:
-Waxay
qarka u saaran yihiin iney lumaan iyagoon ogeyn.
- Waxay ku jiraan shaki joogta ah oo is hirdi ka muuqdo.
- Waxaaney ku dhex lumayaan meel cidla ah oon looga ciidamin karin.
**
dhibaatada ogaansho la'aanta Cadawga iyo aragtiyadiisa waxa ka
dhalanaya dhibaato badan oo u keeni karta Bulshada dumitaan,
Islaamkana la coleytamo iyo dadkiisa, kuna eedeeyo waxaanu cilmi
iyo aqoon u lahayn siduu cumar binu khadaab yidhi: (waxa islaamka
burburin doona midaan garan dhibta jaahiliga) <<Islaamka waa
la burburin doonaa marka ay ku dhex kacdoomaan qaar aan garaneyn
dhibta Islaam la'aanta>> oo ah dhamaan cidii diidan Xaqqa
iyo hanuunka Rabbi) M.Qudub
Taasuna
waxay ku tusineysaa fahanka dheer ee cumar u lahaa Islaamka, Aqoon
dhaba oo uu ka fahmey xaqiiqda dadka iyo Diinta, (inuu ku
tilmaamey kuwa Islaamka Burburin doona- ama burburintiisa loo soo
mari doono- iney yihiin kuwa ka moogan:
-Xaqiiqda iyo Xumaanta Hanuunka ka soo horjeeda.
-Waxa ay kala yihiin (Islaamka iyo waddooyinka kale ee Jaahiligu)
Qoraalkuna
waxa uu u socdaa kuna biyo shubmayaa cadeynta Cadawga iyo
hababkiisa kala duwan, innagoo isku dayi doonna ineynu ku
iftiiminno Qur'aanka iyo Dhacdooyinka ina soo marey oo aynu ka
shidaal qaadan doonno qawaacidda u degsan Hanuunka Rabbi.
*
* * * *
Source:
Altaqwaa
|