Welcome to Somali News Network. The Somali News Leader
Home                      
About Us
Africa
Diinta
World News
Middle East
 Somali News
Contact us
Sport Link
Related Links
 

MAAMULKA LA MAGAC BAXAY SOMALILAND AYAA KU DHAWAAQEY XILLIGA RASMIGA AH EE DOORASHOOYINKA BAARLAMANKA SOMALILAND.

April 28, 2005

 Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku dhawaaqey xilliga rasmiga ah ee deegaamaasi ay ka dhacayaan Doorashooyinka Baarlamanka Somaliland.

Wareegto ka soo baxdey Xafiiska Daahir Riyaale ayaa lagu sheegay in 15-ka Bisha Septe-mber ee sanadkan ay noqon doonto xiliga rasmiga ah ee loo dareerayo Doorashooyinka Baarlamaaniga ah.

Wareegtada Daahir Rayaale ayaa lagu sheegay in ku dhawaaqistan uu u cuskadey qodobka 40-aad farqadiisa labaad ee Dastuurka Maamulka Somaliland, kaasi oo uu ku qeexay ku dhawaaqida xiliga Doorashooyinku ay dhacayaan.

Xisbiyada Mucaaradka ee ka jira Somaliland ayaa ku kala qeybsamay, iyadoo xisbida UCID uu taageeray halka Xisbiga Kul-miyana aanu soo hadal qaa-dinba, isagoo horay u shaaciyay in madaxwayne Riyaale la max-kamadeeyo kaddib markii uu jebiyay jaatarkii u yaallay Somal-iland.

Siyaabo kala duwan waxay uga hadleen ku dhawaaqida Daahir Rayaale xiliga dooras-hooyinka tiiyoo qaar ka mid ah Xisbiyadu Mucaaradku ay ku tilmaameen talaabo uu horey u qaadey Madaxweynaha Maamul-kaasi, halka kuwa kale ay ugu yeereen in ay tahay mid uu ku doonayo Daahir Rayaale in isaga jeediyo indhaha Mucaaradka isla markaana ayba dhici karto in mudo yar ka dib uu soo saaro wareegto kale oo uu ku nasaqayo go’aanka uu ku gaarey in Doorashooyinka Baarlamanka la qabto 15-ka September 2005.

 W.D Saadaq Cali                   saadaqyuusuf20@hotmail.com 

Gadaal u noqo 

 

 

                                                                                                                        webmaster@snnnews.net                                                                                             Home||About Us ||Contact Us ||Conditions of Use| |Privacy Notice|© 2005, Somali News Network Inc.