|
|
|
Muslim aan daren laheyn iyo cadow aan wax iska caabin laheyn
Mohamed Ahmed Abdalla (Diyeeshe) Marka
uu maqlo qofka muslimka ah waxa ku saabsan muslimiinta ee ku nool
dunidaan daafaheeda ee ah dhibaatoyin iyo dagaalo lagu leedo waxuu
daremayaa xanuun ka saameeya xubnaha jirkiisa. waxaa is weydiin mudan
warbaahinta reer galbeedka ma waxaa loo sameeyay in lagu waxyeeleyo
sumcada islaamka iyo tan musliimiinta? dabcan jawaabtu waxeey noqoneysaa
haa warbahinta reer galbeedka waxaa loo unkay in lagu wax yeeleyo
sumcada islaamka iyo tan muslimiinta iyaado loogu soo marmarsoonayo
argagixisonimo. Muslimiinta
dunida islaamka ku nool waxa ay fahmi kari la'yihiin qorshooyinka
cadowgooda iyo dhogorta sahyuniyada. iyaagoo muslimiinta dunida islaamka
ay ka dhigteen dhaqamada reer galbeedka qeeb ka mid ah noloshooda.
walaalkeey musliimka ahow goormaan xureyn doona falastiin iyo jejniya ?
goormansa ogaan laheen in Mareykanka uu yahay cadowgeena koowaad? Waxaa
daah inaga saarneyn in Isra'iil ay heysato wadan sharaftiisa lahaa ayana
Isra'iil ku tumata shacabka reer Falastiin maalin kasta hadana ay deris
la tahay wax aan ka yareyn 5 dal oo carbeed kuwaas oo dagaalo isra'iil
la galay lakiin aan wax naatiija ah ka keenin iyaadoo Isra'iil ay
taageero buuxda ka heysata Mareykanka iyo ingariiska iyagoo ilaa hadana
la garab taagaan tageeradoodii indho la aanta aheed hadii ay ahaan
laheed qaraarada la hor keeno qaramada midoobay. iyadoo dowladda
mareykanka ay is hortaagto wax walboo ka dhan ah isra'iil adeegsatana
diidmada qayixan ee (VITO) iyadoo sidaasi ay jirto ma lahan wadan ama
urur udooda xuuqda islaamka iyo tan muslimiinta hadaba maxaa la gudboon
muslimiinta?marka aan ka hadlo fekerkeyga waxaa la gudboon qodobadaan
iyo kowo kale oo aad u fara badan (1)
waa in ay mareykanka ka dhigtaan cadow ma'ahan iney talo ka sugaan.
(2) waa iney si rasmi ah ugu dhaqmaan sidaa ay ina fareyso
sharecada islaamka duniida muslimka.
(3) waa iney sameys taan urur wax ka qabta dhibaatoyinka maanta
heysta dunida muslimka.
(4) waa in ay la hadaan hal cod oo ay ku mideysanyihiin dhamaan
muslimiinta dunida ku nool. Ugu
danbeentii waxaan ugu baaqi lahaa dhamaan muslimiinta in ay ka kacaan
hurdada oo ay hurdaan waxaana Allah weyn ugu baryayaa in uu quuluubta
muslimiinta isku soo duwo guushana uu siiyo muslimiinta meel walbo oo ay
aduunka ka joogaan. Amiin W.D: Mohamed Ahmed Abdalla(diyeeshe) diyeeshe@myself.com Mogadishu-Somalia
|
|
|
webmaster@snnnews.net
Home||About
Us ||Contact Us ||Conditions
of Use| |Privacy Notice|© 2005, Somali
News Network Inc. |